Koox hubeysan oo dad Shacab ah ku dilay Shabeellada Hoose

24

Koox hubeysan ayaa deegaanka Basra ee hoostaga gobolka Shabeellada Hoose waxa ay ku dileen dad shacab ahaa.

Dadka shacabka ah ee la dilay ayaa waxa ay ku sugnaayeen Beero ay ku yaalla deegaanka, waxaana kooxda hubeysani ay dileen Labo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Afar ruux ay ahaayeen kooxda hubeysani ee falkan gaystay, lamana oga sababta ka dambeysa dilka.

Dhawaan ayaa deegaankan waxaa laga saaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo maamulayay sanado badan, kadib dagaal dhex maray Ciidamada dawladda Soomaaliya.

Dadka deegaankan ayaa hadda waxa ay sheegayaan in ay soo wajahday cabsi xooggan, kadib dilkan maanta ka dhacay degmada Basra ee gobolka Shabeellada Hoose.