Malaaq Shiine oo ku dhawaaqay inay ka hortagayaan dadka diidan Shirka Baydhabo

66

Waxaa qorshuhu yahay in 5-ta Bishaan Janaayo uu Magaalada Baydhabo ka furmo shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee waxaa durba walaac laga muujinayaa in uu baaqdo kadib markii Musharixiinta koonfur Galbeed ay shuruudo ku xireen.

Malaaq Malaaq Cali Cabdirahmaan Shiino oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ka hortagayaan cid kasta ee carqaladeyneysa Shirka, isaga oo si faah faahsan uga hadlay ciddia ku dagaalsan Koonfur Galbeed ee la heshiisiinayo.