Barakacayaal ku dhibaateysan XearaDuleedka Baardheere oo Codsadey in la gargaaro.

57

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca ee Saacid ee ku taala Duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,Qoysaskan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 370 qoys ayaa kuwa moloshooda ay saameyn ku yeelatey Abaaraha ka taagan deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.dhexe oo intooda badan ay ka soo kala barakaceen.

Qaarka mid ah Qoysaska degan Xearada Barakaca Saacid oo la Hadley Warbaahinta ayaa sheegay muddo haatan laga joogo ilaa 8 bilood inay degeen Xeradan,waxayna sheegeen inay qabaan dhibaatooyin ay ka mid yahiin Cunno la,aan,Hoy la,aan,Caafimaad daro,sida nafaqo daro iyo Adeega Biyaha oo ciriiri ah.

Ismaaciil Cumar Macalin oo ah Gudoomiyaha Dadka Barakacayaasha Baardheere oo ugu dambeentii ugu baaqey Hay,adaha Samafalka,DF ee Soomaaliya in ay gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah ay la soo gaaran Qoysaskasi degan Xerada Saacid oo ku dhibaateysan.

Waxaana uu ka Codsadey gaar ahaan,Hay,adaha Samafalka  Bisha Cas iyo HIRDA ee ka howl gala degmada Baardheere,in ay Qoysaskan ay ka caawiyaan adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha.