Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood oo katirsan golaha Shacabka ayaa guddoomiyuhu sheegay in Magacaabistaan ay timid kadib soo jeedin uga timid Xilldhibaannada Golaha Shacabka doodii kal-fadhiga labaad kulankiisa 7aad ee shalay qabsoomay, waxaana Magacyada Xubnaha Guddiga ay kala yihiin.
- Xil. Mustafa SheekAli Dhuhulow
- Xil. Abdillaahi Bidhaan Warsame Hassan
- Xil. Cabdikariim Cumar Xuseen
- Xil. Cabdisaabir Shuuriye
- Xil. Abdikadir Omar Moalin (Daada)
- Xil. Abdikarim Abdow Heydar
- Xil. Abdillaahi Abdi Mohamed (Geel qaad)
- Xil. Mohamed Osman Omar (Naastaro)
- Xil. Abdullahi Abukar Haji (Abdullahi Carab)
- Xil. Hassan Abdi Ismail
Xubnaha guddiga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) u xilsaaray dhibaatada ka taagan magaalada Laas-caanood ayaa Guddoomiyuhu sheegay inay Shaqadoodu tahay.
In uu warbixin kasoo diyaariyo xaaladda ka aloosan magaalada Laascaanood, taasoo sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo in bulshada barakacdo;
- In uu warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si xal loogu gaaro;
2) Xubnaha Guddiga waxaa la faraya in ay si degdeg ah u hawlgalaan.
3) Xoghayaha Guud waxaa la faraya in uu xubnaha Guddiga wargeliyo, kullamadooda abaabulo una sahlo dhammaan wixii xilgudashadooda u fududeynaayo.