Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

22

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland iyo Xubno kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka tegay Kismaayo, xilli ay marayeen meel u dhow degaanka Cabdalla Biroole , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ka hor dagaalka ay maqlayeen jug culus oo wararka qaar ay shegayaan in uu qaraxa ahaa, waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada la weeraray oo watay Gaadiidka nooca dagaalka ayaa socdaalkoodii sii watay, iyaga tegay Saldhiga Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen laba kamid ah Ciidamada ay weerareen oo ka  tirsan kuwa Jubbaland, wallow saraakiisha Ciidamada Jubbaland aysan weli ka hadlin.

Wadada xiriirisa Magaalada kismaayo & degaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay CiidamadaJubbaland iyo Al-Shabaab iyo qaraxyo miinada nooca dhulka la gelyo ah, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo askarta gaaray.