Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

17

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan,  isla markaana jugtiisa laga maqlay  Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka  Baay  ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Gudaha Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid saarnaa mooto bajaaj, isla markaana uu dhawaan kasoo gaaray dad Shacabka ah oo marayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Majirin dad isgaar ah qaraxaasi loola beegsaday, waxaana qaar kamid dadka ku nool Magaalada Baydhabo ay sheegeen in dadka qaraxaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay Maanta gudaha Magaalada Baydhabo ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas.