Booliska Beledweyne oo faah faahiyay sababta ay u joojiyeen banaanbaxa

16

Maanta barqadii ayaa Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa ay joojiyeen banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Taliska Booliska Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay faah fahin ka bixiyeen sababaha keenay inay joojiyaan banaanbaxa ay dadka reer Beledweyne ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan habka lagu wado dhismaha Hir-Shabelle.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in aan Magaalada Baladweyne lagu qaban karin Banaabax aan laamaha Amaanka ka war qabin laguna soo wargelin.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay taliyaha in ay talaabo ka qaadi doonan  cid kasta oo banaanbax aan la ogeyn ku qabata Magaalada.

Shalay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay dadka banaanbaxayaasha ah.