dhagayso Mawduuca 1aad ee barnaamijka sama wade ee radio markabley 16/10/2020

50
Mawduuca 1aad ee barnaamijka sama wade ee radio markabley  16/10/2020

Kulanto wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka  sama wade  ee radio markabley

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

Waxaa soo badanaya dhalinyarada kasoo baxsanaysa kooxda Shabaab ka dib markii ay u dulqaadanwaayeen tacadiyada horjoogayaashooda isla markaana garawsadeen in kooxdu gaartay heerkii ugu xumaa ee dhanka awoodda, hadaba maxaa la gudboon kuwa wali baaqiga ku ah safka dhamaadka ah ee kooxda?

Barnaamiujka sama wade caawo waxaa marti ku ah ,

Sh c/raxmaan maxamed axmed. Gudoomiye ku xigeenka maxkamada degmada baardheere.

Taliyaha saldhiga booliska degmada baardheere ee maamulka jubaland gaashaanle c/fitaax macalin nuur.

Isku duwaha wasaarada beeraha maamulka jubaland ee degmada baardheere saacid abshir cartan.

Barnaamijka waxaad si toos  ah ugala socotaan radio markabley  FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay
0613880535,  sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so

Barnaamijka aalaa waxaa idin soo jeediyo aniga oo ah yaxye c/risaaq soofe. Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)
barnaamijka sama wade  caawa waxaa soo saaray khaddar maxamed siraad
waa mar kale iyo barnaamijkii  sama wade ee radio markabley