Guddi ka socda golaha shacabka iyo mas’uuliyiinta W/waxbarashada oo maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

15

Xarunta Villa Hargeysa waxaa maanta kulan ku yeelanaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo guddi xildhibaanno ah oo dhawaan loo magacaabay ka soo tala-bixinta cabashada ka taagan  imtixaankii ay sanadkan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Qoraal bilowgii todobaadkan kasoo baxay guddigaas loogu yeeray wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, si wax looga weydiiyo sababta ka dambeysay in ka badan 8,000 oo arday inay ku dhacaa imtixaankii dowladda ee sanadkan, kuwaas oo 90% imtixaanaadka ku galay gobolka Banaadir.

Shaacintii natiijada imtixaanaadka dowladda kadib waxaa dhashay cabashooyin aad u badan, maadaama la tilmaamay in imtixaanaadka lagu tiigsaday ardayda gobolka Banaadir, halka ardayda gobollada kalena la sheegay in loo fududeeyay, sida ay qabaan dad badan.

Guddigaan oo 27-ka bishii hore uu magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir ay isugu yimaadeen xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka waxaa loo xilsaaray inay soo baaraan, hanaanka loo qaaday imtaxaanaadkii dowladda ay caqabadaha kalifay inaan lagu wada qancin natiijada ay shaacisay wasaaradda waxbarashada heer federaal.