QM oo walaac ka muujisay dilalka Soomaalida loogu geysto dalka Koonfur Afrika

37

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay dilkii foosha xumaa labo muwaadin oo Soomaali ah loogu geystay deegaanka Klein Bulhoek oo u dhow Magaalada Grahamstown ee dalka Koonfur Afrika.

Meydadka ayaa waxaa helay qof ka mid ah dadka deegaanka oo ku dhex jiray Goob dukaan ah oo aheyd halkii lagu dhexdilay labada muwaadin ee Soomaalida ah.

Afhayeenka Hay’adda UNHCR ee Koonfur Afrika Laura Padoan ayaa yiri“ Ragga Soomaalida ah ee la dilay waxaa la xaqiijiyey inay qaxooti ahaayeen. Markaa, waxay walaac ku hayaan UNHCR. Waxaan ka walaacsanahay in qaxootiga iyo magan-gelyo-doonka la bar-tilmaameedsaday, gaar ahaan bilihii u dambeeyay, iyada oo loo marayo weerarro rabshado wata oo ay sababeen isir naceybka ajaaniibta.

Waxay sheegtay inay si dhow ula socon doonaan baaritaannada booliiska iyagoo ku baaqaya in si degdeg ah loo xiro dadka dalka Koonfur Afrikak had iyo jeer dilalka u geysta dadka Ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida.

Dalka koonfur Afrika ayaa oo ay ku sugan yihiin kumanaan Soomaalia ah oo ganacsi kala duwan ku leh ayaa waxaa ay mar walba la kulmaan dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.