DEG DEG :- Dagaal ka socda degaan hoostaga degmada buulo burde

57

Wararka naga soo gaaraya degaanka jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi u jira Dagmada Buule burte ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen deaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aan weli laga helin faah faahin rasmiha ah maadaama uu dagaalka socdo.