Naafada degmada Baardheere oo Cabanaysa Nololxumo iyo daryeel la,aan.

55

Naafada ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxay cabasho xoogan ay ka muujiyeen dhibaatooyin ay qabaan xilligani oo ay ugu weyn tahay nololxumo,Daryeel la,aan iyo shaqo la,aan, iyadoo dadka naafada ee ku dhaqan Baardheere iyo nawaaxigeedana lagu sheegay in ka badan ilaa 1500 oo Ruux oo isugu jira rag iyo Dumar.

Maxamuud Dhafe oo ah Gudoomiyaha Naafada Baardheere iyo Caad Goley oo ka mid ah Gudiga Naafada oo wareysi la yeelatey Radio Markabley ayaa sheegay in Naafada Baardheere ay Qabaan dhibaatooyin kale duwan oo xaga nolosha ah,Dadkan oo isugu jira indhoolayaal, Dhagoolayaal iyo cuuryaamiin rag iyo dumar ka kooban ayaa sheegay inaysan jirin cid ay ku tiirsanyihiin oo nolol maalmeedkooda ka caawisa islamarkaana wax ka qabata adeegyada xaga nolosha ah ee ay u baahan yihiin,maadama inta badan Naaafada ayan awoodin in ay raadsadaan nolol maalmeedkooda.

Waxayna ka codsadeen ,hay,adaha Samafalka,Dowlada Federalka soomaaliya,Jaaliyadaha dibada iyo dadka soomaaliyeed in ay gargaar bini,aadinimo ay la soo gaaraan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIYADA NAAFADA BAARDHEERE