Xildhibaano dalbaday in hay’adaha Amniga lagula xisaabtamo weerarkii dhacay

35

Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee kusoo batay magaalda Muqdisho & weerarkii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat oo kuyaalla agagaarka isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur madoobe oo Maanta furay Kulanka Golaha Shacabka ayaa

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ka hor kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay hotelka Xayaat si arxan darro ah loo dilay.

Xildhibaannada kala ah Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) iyo Mustaf Dhuxuloow ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortagto weerarada ay hotelada u geysanayaan Al-Shabaab.

Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) ayaa sigaar u sheegay in aan loo baahneyn in dad yar oo kooban muddo 24 saacadood ah Guri lagu rasaaseeyo, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lala dagaalamo ama leysku dhiibto.

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ula yaabay dhibaatadii laga maray weerarkii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, isla markaana loo baahan yahay qorshe cad oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.