Weerar ka dhacay Kismaayo

83

WararKa  ka imaanya  magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay koox hubeysan ay bamboo gacmeed ku weerareen goob lagu caweeyo oo ku taala Magaaladaasi.

Seddex oo isugu jira shacabka iyo askar ayaa ku dhaawacmay bambo gacmeedka, waxaa uuna si gaar ah kaga dhacay xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay baaritaano ka wado xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.