Kheyre oo kulamo siyaasaadeed ka bilaabay Nairobi

13

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, islamarkaana ah Musharax Madaxweyne ayaa xalay waxaa uu gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo dad kale.

R/Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu kulamo siyaasadeed uu ka bilaabay  Magaalada Nairobi, isagoona la kulmi doono xubno ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin mug leh oo ku sugan magaalada Nairobi.

Waa safarkii labaad uu Kheyre ku tago wadamada deriska la ah Somalia, isagoona ujeedkiisa yahay olole doorasho uu ka bilaabay dalka Jabuuti iyo Kenya