Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna doorteen Guddoon.
Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayay u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare
Senator Samsam Daahir Maxamuud, waa iyana loo doortay guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Sidoo kale, Senator Farxaan Cali Xuseen ayaa isna loo doortay Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Xubnahaan ayaa lagu wadaa inay ka shaqeeyaan howlaha doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.