Wasiirka Maaliyadda Puntland “Deni isaga oo Madaxweynaha Puntland ah ayuu tartamayaa”

71

Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo u sharraxan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya in uusan iscasli doonin.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxaa uu tilmaamay haddii Deni uu ku guuldarreysto Madaxtinimada Soomaaliya uu dib ugu soo laaban doono Puntland, si uu u dhammeysto xilliga uga dhiman Hoggaaminta Maamulka.

“Deni isaga oo madaxweynaha Puntland ayuu Madaxweynaha Soomaaliya u tartamayaa, hadduu soo waauona wuxuu ahaana madaxweynaha Puntland” – Xasan Abgaal, Wasiirka Maaliyadda.

Sidoo kale, waxaa uu gaashaanka u daruuray doodaha sharciga ee la xiriira in ruux xil haya uu tartami karo Madaxweynaha Soomaaliya.

“haddii qaddarta ilaahey ay dhacdo Madaxweynaha Puntland weeye, sharci u diidayaana Majiro, dadka hunguriga ku jiraana waxaan leeyayay wax hagaajiya” ayuu yiri Xasan Abgaal.