Ciidamada Somaliland oo la wareegay xabsiga Hargeysa & weriyaal la xiray

19

Ciidamo isugu jira Booliska, Asluubta iyo Mitariga Soomaaliland ayaa la wareegay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii dagaal uu halkaasi ku dhaxmaray maxaabiista iyo ciidamada ilaaliya xabsiga.

Sidoo kale Waxa goobta ku sugan wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland waxaana la adkeeyay amaanka Saldhiga Wayn ee Hargeysa.

Inta la ogyahay 9 qof oo maxaabiista ayaa ku dhaawacan tahay iska horimaadka, waloow uu jiro dhimasho balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Dhanka kale Ciidamada Somaliland ayaa Maanta xirtay Saxafiyiin kasoo waramay Shaqaaqadii ka dhacday gudaha Xabsiga Hargeysa.

Wariyayaasha la xiray ayaa si toos ah utabinayay waxa ka socday xabsiga Hargeysa taasi oo la sheegay iney ka dambeysay in xabsiga la dhigo.

Tirada guud ee weriyayaasha la xiray ayaa gaareysa ilaa shan Wariye, inkastoo wararka qaar sheegayaan in intaas ay ka badan yihiin, waxaa ayna kala yihiin