Garyaqaanka Dowladda oo ku baaqay in la laalo Dacwadda Fahad Yaasiin

50

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa ugu baaqay Maxkamadda Sare in la laalo dacwadda uu Guddiga FIET ka soo gudbiyay Agaasimihii hore Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin.

Xafiiska ayaa sidoo kale Maxkamadda u soo jeediyay in ay taageerto go’ aanka uu guddiga FIET ku hakiyay Doorashad kursiga HOP-86 oo Fahad Yaasiin uu ku guuleystay.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, waxaa uu Maxkamadda ka codsaday in ay tixgaliyaan arrimahaan soo socda oo ay cugsadeen.

  1. In ay diiddo cabashada ay dhinaca kale usoo gudbiyay, maadaama aysan jirin go’aan Maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoonkaro, si waafaqsan qod. 5aad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.
  2. In ay ayiddo Go’aannada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal 2020/2021, ee Summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay War-saxaafadeed ir. 06 April 2022, kuwaa oo ioo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu Heshiiyay.
  3. In Maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan Danta Guud, Caddaalaadda iyo shuruucda Dalka. Qodobka 62 XHMS.

Hoos ka akhriso soo jeedinta Garyaqaanka