Magaalada Muqdisho,waxaa maanta ka qabsoomay shir uu Raā€¯iisul Wasaare Ku-xigeenka ahaa shir guddoon oo ay yeesheen Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.
Shirka intii uu socday waxaa diiradda lagu saarayay dardar gelinta howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Raysal Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dhankiisa warbixin ka dhageystay Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha,iyadoona la isku raacay in muhiimad gaar ah la siiyo goobaha ugu daran ee abaaruhu saameeyeen.
Guddigaan waxaa dhawaan magacaabay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoo u xil saaray arrimaha abaaraha iyo sidii loo samatabixin lahaa dadka uu saameeyay.