RW Rooble oo la kulmay Guddiga Qiimeynta Garbahaarey

58

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulan la yeeshan Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubbaland ee Garbahaarreey.

Guddigaan oo dhowaan safar ku tagey magaalada Kismaayo ayaa Ra’iisul wasaaraha uga Warbixiyay shaqooyinka ay qabteen iyo halka ay u marreyso Howsha loo xilsaaray ee qiimeynta Garbahaarey.

Guddiga ayaa Ra’iisul wasaaraha la wadaagay in ay dhowaan qorsheynayaan safar ay ku tagayaan Magaalada Garbahaarey, si ay kulamo ula soo qaataan Bulshada magaalada.

Kulanka Guddiga iyo Ra’iisul wasaaraha ayaana ku soo aadaya xilli maamulka Gedo ay sheegeen in cid ka socota guddi aan aheyn kan Doorashooyinka aysan imaan karin magaalada Garbahaarey.