–Maanta oo khamiis ah magaalada Baydhabo waxaa lagu doortay kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee BFS, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.
Kursiga Hop#253, waxaa ku guuleystay Aadan Maxamed Cali, isagoo helay Codad gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Ibraahim Buule 21-cod.
Sioo kale, Kursiga ee Hop#178, waxaa ku soo baxay Cabdullaahi Maxamed Cali, isagoo helay isla 70-cod, halka musharax Bile Xasan Cabdi oo la tartamayay uu helay 25-cod.
Kursiga Hop#050, waxaa doorashadiisa ku guuleystay Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc), isagoo helay codad gaaraya 80-cod, halka musharaxii la tartamayey Maxamed Ibraahim Aadan 14-cod.
Sidoo kale, kuraasta lagu qabtay doorashadooda waxaa ka mid ah Kursiga Hop#230, iyadoo doorashadiisa uu ku guuleystay Jaamac Taqal Cabaas, kaas oo helay codad gaaraya 77-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabdi Cali Cumar 23-cod.
Kursiga Hop#183, waxaa ku guuleystay doorashadiisa mukhtaar Maxamed Guuleed, isagoo helay codad gaaraya 83-cod, halka musharaxii la tartamayey Xuseen Cali Aadan uu helay 16-cod.











