Ciidamo Boolis ah oo dagaal ku dilay Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne.

78

Taliyaha Saldhigga ciidamada booliska Magaalada Beladweyne Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-jooge ayaa goordhow ku geeriyooday dagaal afafka hore ee Saldhigga ku dhaxmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee la geeyay Beledweyne iyo booliskii hore u joogay magaaladaas, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka lagu dilay Taliyeyaha ayaa ka dambeeyay, kadib markii saldhiga booliska Magaalada Beledweyne lagu xiray boqolaal qof oo lagu soo qabtay Howlgal laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn xalay ilaa saakay, waxaana la sheegay in dadkii lagu soo qabtay howlgalka saakay la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne si halkaasi loogu xiro, waxaana xiritaanka dadkaasi ka dhashay inta uu socday iska hor-imaadka uu ku dhintay Taliye Duurdage.

Sidoo kale waxaa jiro dad kale oo wax ku noqday dagaalkaas, iyadoo uu wali socdo dagaalka labada dhinac.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa haatan kacsan, waxaa magaalada laga dareemayaa xiisad u dhexeyso labada Ciidan.