Mahad Salaad oo markale loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

32

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee BFS , waxaa uuna u tartamayay kursiga tirsigiisu uu yahay Hop147, kadib doorasho saakay dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Shamso Cabdullaahi Maxamed ay tanaasushay, islamarkaana ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaana ogol ugu codeeyey 101 ergada ah oo ah dhamaan ergada.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga HOP#147, waxaa uuna ka mid ahaa mudaneyaasha si weyn ugu soo horjeeda dowladda uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.