Alle ha u Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika dhaawac ay Burcad hubeysan ugu geysteen u geeriyooday Aadan Nuur Afrax oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.
Kooxaha Burcadda ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed ugu tegay Goobtiisa Ganacsi oo kutaalla Xaafadda Kraaifontein gaar ahaan qeybta Xaafadda Midabka, iyada oo dhaawicii soo gaaray ugu Geeriyooday Isbitaalka Tygerberg oo ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.
“Dukaankiisa ayey ugu Tageen Tuugada, iyagoo waxba waydiin ayeyna Rasaasta qeybaha kore ee jirka uga fureen, mana naqaano sababta❓ islamarkiiba dhaawac ahaan ayaan Isbitaalka ula cararnay, balse tiisaa meeshaan ku ekeyd oo waa uu Geeriyooday” Waxaa sidaasi Saxaafadda u sheegay Aadan Amin Xasan Nur oo ay ehel-wadaag ahaayeen Marxuumka la dilay.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in muddo ka badan 15 sano ah oo ku sugnaa dalka Koonfur Afrika.