Ciidanka Gorgor oo degaano la wareegay

49

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor ayaa howlgallo culus ka sameeyay degaano katirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka baxay degmada Awdheegle ayaa howlgal kula wareegay degaanka Shaam-garre, oo hoostaga degmada Awdheegle kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haayay degaankaas.

Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa waxaa ay sheegeen inay xaqiijiyeen Amniga degaanka Shaam-garre, isla markaana weli degaanka ay ka wadaan howlgalka ay ka wadaan degaankaas.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.