Waxaa waqooyiga magaaladda Minneapolis lagu toogtay qof oo isla markiiba u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas lala beegsaday ee ku dhacday
.Afhayeenka booliiska magaaladda Minneapolis Garrett Parten ayaa sheegay in toogashada ay labadda qof ku dhinteen ay ka dhacday meesha ay iska jaraan wadooyinka 21st and Sheridan avenues north.
Booliiska ayaa helay labbo qof oo baabuur lagu dhex toogtay, shaqaalaha gurmadka deg-dega iyo booliiskii goobta gaaray ayaa kaalmo deg-deg ah u fidiyey labadda qof ee la toogtay, balse isla markiiba waxaa meesha ku dhintay labadda qof.
Weli lama shaacinin labadda qof ee la dilay magacyadooda, da’dooda iyo jinsiyadooda.