Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda

19

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degaanka Gamboole oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku toogtay Nin la sheegay in uu ahaa Askari katirsan Ciidamada Dowladda.

Askariga la toogtay oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Isaaq Ciise oo 24 jir ah ayaa Al-Shabaab kal hore gacanta ku dhigeen, waxaana Goobta toogashada ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka Gamboole oo ay ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Al-Shabaab ma shaacin halka ay kasoo qabteen askariga iyo xilliga ay qabteen, balse kaliya ay sheegeen in uu kamid ahaa Askarta Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay sirdoon u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.