Koox hubeysan oo nin ganacsade ahaa ku dishay Muqdisho

28

Koox hubeysan ayaa saakay ย waxaa ay qof shacab ah ku dileen degmada howlwadaag ย ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Xaafadda 5ta geed gaar ahaan foornada rootiga uu subax waliba ka soo qaadi jiray.

Shaqsiga la dilay ayaa la sheegay ย inuu rootiga si ganacsi ahaan ugu iib geyn jiray ciidamada ilaaliya xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Dadka qaar ayaa sidoo kale ku tilmaamay ruuxa la dilay inuu ka tirsanaa booliiska soomaaliya, hasa ahaatee ganacsigaasi yar uu lahaa.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoona goobta uu falka ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano.