Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Xildhibaannadii shalay lagu doortay Jowhar

71

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta casuumaad qado sharaf ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

lixda Xildhibaan ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa ahaa kuwo horay ugu fadhiyay kuraastaas, waxaana ay kala yihiin Khadiijo Maxamed Diiriye, Yuusuf Kabaale, Dahabo Suusow Maxamuud, Maxamed Cumar Ceeymoy, Farxiyo Maxamuud Dhaqane iyo Maxamuud Maxamed Jimcaale.