Maamulka Gobolka Hiiraan oo Hay’ado Caalami ah kala hadlay waxka qabashada fatahaadaha

43

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday (UNISOM) iyo Xubno ka tirrsan hay’adda (FAO), waxaana kulanka Goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka gobalka Mayarka Magaalada Beledweyne iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Maamulka gobalka hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey xaladaha wax ka qabashada u baahan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha fatahaadaha gobolka Hiiraan.

Xafiiska Maamulka gobalka hiiraan ayaa soo Bandhigay qorshaha wax qabadka Hortabinta leh ee uu diyaariyey maamulka gobalka hiiraan si loo xaqiijiyo Adeega Dad weyne si loo sameeyo hormaro la taaban karo.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobalka hiiraan ayaa Carabka ku xoojiyey Arimaha abaaraha xoogan ee ka jiro Gobalka hiiraan iyo sida aay lagama Maar-maanka u tahay in la sameeyo Gar-gaar Bini’adanimo oo la taaban karo.

Maamulka gobalka hiiraan waxuu Juhdi badan ku bixinayaa Ka hortaga Arimaha Fatahaadaha iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha xoogan ee ka Jiro Gobalka hiiraan ayuu yiri” Guddoomiye Jeyte.

Gudoomiyaha ayaa u Mahad-celiyey madaxda UNISOM iyo FAO asigoo ka dalbaday in la sameeyo wax qabad degdeg ah oo la taaban karo Maamul ahaana ay diyaar ula yihiin iney ka soo baxaan doorkoda waajib gudasho.