Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahin ka baxiyay dagaalkii ka dhacay magaalada Beydhabo.

79

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay weerar ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo ee caasimada Kumeel gaarka ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa hadda dagan kadib markii weerraro is xigxiga ay ku qaadeen saldhigyo ciidan kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay madaafiic lagu tuuray saldhig milatari iyo weerar toos ah oo lagu qaaday saldhig booliis.

Wasiirka warfaafinta ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa sheegay inay iska caabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaada ,haddana ay xaalada degantahay .