Militryga talada Suda n la wareegay dhamaadkii bishii October ee sanadkaan ayaa sheegay inay doonayaan inay talada wadankaas dib ugu soo celiyaan r/wasaarihii la afgambiyay ee Cabdalla Xamduuk
Gudoomiyaha xisbiga ummadda ee dalka Sudan ka jira Fadlullah Burma Naasir ayaa sheegay in sargaalka ugu sareeya ciidamada Sudan C/fitaax Al-Burhaan iyo r/wasaare Cabdalla Xamduuk ay gaareen heshiis xal looga gaarayo dhibaatada dalkaas ka taagan
Heshiiskaan waxaa gundhig u ah in r/wasaare Cabdalla Xamduuk uu dib xafiiska ugu soo laabto shaqadana uu sii wato halka ciidamada ay si guud ugu kormeerayaan.
R/wasaaraha waxaa uu soo dhisi doonaa gole wasiiro cusub waxaana la sii dayn doonaa dhamaan maxaabiista siyaasada u xir xiran sida heshiiska ku qoran.
Sadexdii tobaad ee lasoo dhaafay dibad baxyo rabshado wata ayaa ruxay wadanka Sudan kuwaasoo lagu diidanaa afgambiga ciidamadu talada kula wareegeen.