Kheyre iyo Jawaari oo kulmay

28

Ra’iisul Wasaarihii ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kula kulmay Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Jawaari.

Kulankaan ayaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sanadkaan.

Xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa Jawaari ku riday sifo dadka qaar ay sheegeen in ay baalmarsaneyn Sharciga dalka, waxaana la sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeyay aysan ka dhaxeyn labadda Mas’uul xiriir wanaagsan.