Qoor qoor oo sheegay in ay bilaabanayaan qabashada doorashada golaha shacabka.

26

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Galmudug bilaabayso doorashada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa sheegay in maalmaha soo socda Galmudug lagu qaban doono doorashada shanta kursi ee ugu horreysa ee Golaha Shacabka, Waxaana uu sheegay in guddiga doorashadu ku dhawaaqi donaan qabashada kuraasta maalmaha soo socda.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”