Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka gargaarka & maareynta musiibooyinka KGS oo gaaray Waajid.

5

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdinasir Cabdi Caruush Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow gaarey Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wasiirka Iyo Wafdigiisa Waxay u kuur galeyaan Xaaladaha Bani’adanimo ee ka jirta Degmada Waajid, Abaaraha , iyo Biyo Yerida iyo Xaalada Noolaleed ee qoysaskii Kooxda Nabadiidka Alshabab ka soo Barakiciyeen Deeganadooda ee hada kusugan Waajid.

Wafdiga waxaa soodhaweeyey Maamulka Degmada Waajid iyo Mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta Waxaa ay kormeer ku tageen Kaamamka , Ceelasha Biyaha ,iyo Suuqyada ku yaala Degmada , iyagoona kulan la yeeshey Hay’adaha Hay’adaha Ka howlgala Degmada Waajid iyo Maamulka Degmada , Waxaana looga hadley Wax ka qabashada Xaladaha Bani’adanimo ee ka jira Degmada waajid ee Gobolka Bakool.

Wasaaradda Gargaarka Maareynta Iyo Masiibooyinka Koonfur Galbeed ayaa Wada Dadaalo loogu gurmaneyo Deeganada KGS oo hada Dadka iyo Xoolaha soo wajaheen Abaaro ka dib markii Roobkii l sugeyey uusan Da’in.