Qarax Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Baardheere

3

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  Qarax xooggan oo ka Dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararka inaga soo gaaraya Baardheere ayaa sheegay in Qarax Xooggan oo khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Baardheere Gaar ahaan Gudaha Xeradda Ciidamadda Dhibowga ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, waxaaana sidoo kale ku dhaawacmay dad intaaasi ka badan, waxaana wararku intaasi ay ku darayaan in 4 Askari oo ka tirsan ciidamadda Dowladda ay ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Wali lama helin faah faahiino dheeraad oo ku aaddan Qaraxa, balse waxaa lasoo sheegayaa in xaaladda dhaawacyada wali lala taacaalayo, iyadoo sida la sheegay ay jiraan dad u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.