Wasaaradda Waxbarashada oo Maamulka Gobolka Banaadir ku eedeesay in xarumaha waxbarashadaha ay kusoo rogtay qarashaad xad dhaaf ah.

1

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya oo loogu hadlay cabashooyin kaga yimid hay’adaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay Wasaaradda soo gaartay cabashooyin badan oo kaga yimid hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomnaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed.

Ujeedka Cabashooyinkaas ayee Wasaaraddu Sheegtay  in qarashaad xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada. iyadoo la baabi’iyay lacagaha uu Maamulka Gobolka ka qaado Iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Hadaba Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji waxaa uu soo saaray qodabada ku xusan warqada hoose.