Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland Oo Ansixiyay Mas’uul La Magacaabay

3

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan oo shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha  ah ee Golaha Wasiirada Jubaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaarado kala duwan oo ay ugu horeyso Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Maamulka Jubbaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase, iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar ee sanadkaan 2021 magacaabay Xisaabiyaha guud ee Jubbaland.

Xisaabiyaha guud ee Maamulka Jubbaland Cabdicasiis Maxamed Ilkacase ayaa waxaa laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo dhiibay, kadib markii Maanta lagu ansixiyay Shirka Golaha Wasiirada.