Dhinacyadii ku dagaalamay degmada Baraawe oo la kala qaaday

4

Waxaa Maanta la kala qaaday dhinacyadii ku dagaalamay degmada Baraawe ee kala ahaa Ciidamada Ammaanka degmadaasi ee Gobolka Shabeellaha Hoose  iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ishor-fadhiyay gudaha Magaalada.

Odayaasha Dhaqanka Baraawe & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay inay dabaqyada ka dejiyaan dhinacyada saarnaa ee dagaalka uu dhexmaray, kuwaas oo laga cabsi qabay inay markale dagaalamaan.

Maleeshiyaadka hubeysan oo kasoo horjeeda habka loo maamulay dhismaha Golaha degaanka Baraawe ayaa shalay waxaa ay degmadaas kula dagaalameen Ciidamada Ammaanka Maamulka degmada Baraawe, iyaga oo inta badan la wareegay Xaafadaha degmadaas.

Qaar kamid ah Beelaha degmada Baraawe ayaa cabasho ka muujiyay habka loo qeybsaday Golaha degaanka, iyaga oo sheegay in wixii ay xaqa u lahaayeen aan la siin, taas oo keentay in maleesgiyaad is abaabulay ay weeraraan Goobta lagu qabanayo doorashada Golaha degaanka.