Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay door ka qaadatay isbeddelka siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Mustafe ayaa hadalkan ku sheegay farriin uu ugu hambalyeeyay Abiy Axmed kadib markii mar kale loo doortay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii uu Abiy Axmed talada hayay ay Itoobiya gashay waxa uu ku tilmaamay “hannaan isbeddel oo aan dib looga noqon karin”, isagoo xusay arrimo ay ka mid yihiin federaalka, xorriyadda diimaha iyo isbeddelka dhaqaale.
Waxa kale oo uu tilmaamay hindisayaal ay xukuumadda Abiy fulisay, kuwaas oo ay ka mid yihiin barnaamijka Cagaarinta Deegaanka, dib-u-habaynta magaalooyinka, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, iyo qorshayaal lagu horumarinayo beeraha, sugidda cuntada, isku-filnaanshaha iyo kobcinta wax-soo-saarka warshadaha.
Madaxweyne Mustafe ayaa si gaar ah u sheegay in dadka Deegaanka Soomaalida ay si gaar ah u dareemeen isbeddellada dhacay, isagoo xusay in deegaanka uu kasoo gudbay marxalad uu ku tilmaamay “goob dadka lagu laayo” una gudbay deegaan ay dadku ku nool yihiin nabad iyo xorriyad.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa muddo hoggaaminayay deegaanka xilli ay ka dhaceen isbeddello siyaasadeed iyo amni, waxaana farriintiisa lagu sheegay in muddadii uu xilka hayay ay xoogga saareen nabadeynta iyo xasilloonida siyaasadeed.
Hadalkan Mustafe ayaa kusoo beegmaya xilli madaxda maamul-goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale oo Itoobiyaan ah ay hambalyo u dirayaan Abiy Axmed, kadib markii uu helay muddo-xileed cusub oo uu ku hoggaamiyo dowladda federaalka Itoobiya.











