Jubbaland Oo DFS Ka Dalbatay Inay Dib Ugu Soo Celiso Maamulka Garoomo Diyaaradeed

3

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saartay diyaaraddii xamuulka aheyd ee shalay ku burburtay Garoonka Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka Doolow, iyagoona sheegay in diyaaradda ay gebi ahaan ku gubatay gudaha Garoonka.

Jubbaland ayaa tilmaamtay in diyaaradda oo aheyd nooca xamuulka qaada ay kasoo kacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana xili ay dooneysay inay degto uu dab ka kacay mid kamid ah lugaha diyaaradda.

Maamulka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin qaawan ay ku heyso Garoomada diyaaraddaha ee ku yaalla dowlad Goboleedka Jubbaland, ayna arrintaas ay tahay mid sharci darro ah.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa dowladda ka dalbatay inay joojiso faragelinta ay ku heysto Garoomada diyaaradaha Jubbaland, isla markaana dib ugu soo celiso Maamulka Garoomada  gacanta Jubbaland, si loo maareeyo tayada Garoomada diyaaradaha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Jubbaland.