Weerar ay dad badan ku waxyeeloobeen oo Yemen ka dhacay.

6

la xawiijiyay 30 ruux ayaa ku geeriyootay gantaalo ay xuutiyiinta Yemen ku garaaceen gobolka Ma’rib la yiraahdo oo ku yaala dalka Yemen.

Wasiirka warfaafinta Yemen Mucamar Al-Iryaani ayaa sheegay in labo gantaal oo balastiko ay ku dhaceen gobolka Ma’rib ay sababeen dhimashada 30 ruux iyo dhaawaca kontomeeyo kale.

Gantaalahaan ayaa ku dhacay masaajid ay dad badan ku cibaadaysanayeen.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dadka dhibaatadu soo gaartay ay ku jiraan caruur iyo haween masaajidka la duqeeyay ku jiray.

Dawlada Yemen waxay ku eedaysay weerarkaas ururka hubeysan ee ka dagaalamaya dalka Yemen hase ahaatee willi ururku ka ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Dagaalka Yemen oo 6 sanno uu dagaal ka socdo qiyaaastii 16 million oo qof ayay Q,M sheegtay inay gargaar bini’aadanimo u baahan yihiin.