Deni iyo guddiga doorashooyinka oo ka wadahadlay qabashada doorashada golaha shacabka

10

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo