RW Rooble oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Xabiibo Cariif.

3

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka geeridii ku timid Hooyadii marxuumad Xabiiba Cariif Weydow oo saaka Muqdisho ku geeriyootay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hooyadiis marxuumad Xabiiba Cariif Weydow ku geeriyootay Muqdisho,

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh la wadaagay Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, kaas oo hooyadiis marxuumad Xabiiba Cariif Weydow ku geeriyootay Muqdisho, isagoo Marxuumadda eebbe ugu baryay in uu janatul firdowsa ka waraabiyo.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hooyadiis marxuumad Xabiiba Cariif Weydow ku geeriyootay Muqdisho. Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryayaaa in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelada iyo qaraabadana Samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.