Madaxweynaha Turkiga oo amray in ay dalkiisa ka baxaan toban safiir.

3

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa amar ku bixiyay in Turkiga laga ceyriyo tobban safiir oo uu ku eedeeyay in ay fara-geliyeen arrimaha gudaha wadankaasi.

Safiiradan ayaa bayaan ay hore u soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in xabsiga laga sii daayo  Osman Kavala oo ku eedeysan oo ku eedeysan mudaaharaadyo iyo isku day afgambi, inkastoo aan la xukumin.

Danjireyaasha la ceyriyay ayaa waxaa kamid ah  Mareykanka, Canada, France, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden.

Mr Erdogan ayaa sheegay in danjirayaasha “aysan ku dhiiran karin inay yimaadaan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo ay amar bixiyaan”.

Lama oga tillaabada ay qaadi doonaan dalalka ay ka yimaadeen danjireyaasha uu Turkiga ku amray in ay dalkiisa ka baxaa