Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku wada dagaalamay Gobolka Bakool.

5

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab oo ka dhacey duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in marka hore dagaalka uu ku bilawday , in Kooxda alshabaab ay gubeen raashiin loo soo waday dadka deegaanka kadibna ay isku dhaceen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab.

Dhanka kale qoraal lasoo dhigay warbaahinta dowladda ayaa lagu yir sadan .”Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa waxaa gurmad u fidiyeen 7-da gaari Dameer oo Argagaxisada Al Shabaab Raashin ay wadeeh ku gubeen duleedka degmada Waajid.”

Sidoo kale qoraalka dowladda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda ay jab xooggan ay soo gaarsiiyeen Kooxda Alshabaab.