Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Jabuuti iyo ujeedkooda

3

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, halkaa oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti, Ismaan Ibraahim Rooble.

Ujeedka Wasiirka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galay shirka heer wasiir ee waddamada urur-gobolleedka IGAD ee halkaas ka furmaya, isagoo joogaya muddo saddex cisho ah.

Shirka urur-gobolleedka IGAD ayaa waxaa looga hadli doonaa Shaqada, Shaqo abuurka iyo sidii waddamada IGAD ay si xor ah uga shaqeyn karaan muwaadiniinta shaqo doonka, iyadoo la dhowrayo xaquuqaha aasaasiga ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa shirka ka jeedin doona khudbad  , uu diiradda ku saarayo iskaashiga Shaqo iyo shaqo abuur ee waddamada IGAD.