Muxuu ka yiri Muuse Biixi dadkii laga soo raafay Somaliland?

27

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul kaga hadlay markii ugu horreysay dadkii rayidka ahaa ee uu maamulkiisa kasoo barakiciyay deegaanno ka tirsan Somaliland kuwaas oo kasoo jeeday Koofurta Soomaaliya, isagoo sheegay in Xukuumaddiisa ay qaadi kari weyday miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan islamarkaana ay  saareyn in ka badan 30 gawaari ah.

“Anaga waa qaadi kari weynay miisaankooda nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi ah, waxaana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bixinay 1,300 oo dollar waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Intaa wuxuu ku daray Biixi in gawaadhida ay ku musaafuriyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood la socdeen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka Puntland.

“Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo lagu dilay Somaliland oo hanti laga dhacay majiro.”

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyadoo Somaliland ay dad badan oo rayid ahaa oo iskugu jiray Waayeel, Dhalinyaro iyo Caruur, kuwaas oo deegaan ku ahaa iyo Ganacsiyo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool islamarkaana ay kasoo jeedeen dadkaasi Koofurta Soomaaliya, iyadoo markii dambe gurmad balaaran loo fidiyay aadna loogu soodhaweeyay Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo ay markaas gaareen.