Taliye Odowaa iyo saraakiisha Galmudug oo ka wada hadlay ladagaalanka Alshabaab.

15

Waxaa wali magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug Ku sugan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Saraakiil uu asaga hogaaminayo,iyadoona taliye Gen.Odowaa Yuusuf Raage uu magaaladaasi kula kulmay Xubno kamid saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sidoo kale Kulanka dhaxmaray Taliyaha iyo saraakiisha waxaa looga hadlayay adkeynta ammaanka magaalada iyo la dagaalanka Kooxda Alshabab.

waxaana Odewaa lagu soo waramayaa in uu marka hore warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka qaybta 21-aad ee laga keenay magaalada caasimadda Muqdisho iyo saraakiil kale oo ku sugnaa goobta uu kalanka ka dhacayay.

Ugu dambeentii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen, Odewaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha kula dar daarmay Sugidda Ammanka Deegaaanada Maamulka Galmudug iyo U diiyaar garowga holwgalada Ka dhanka Ururka Alshabaab.